Uncategorized

Dhageyso:- Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo ka hadlay Weerar lagu dilay Rag ka tirsan Al-shabaab

Afgooye–KNN-– Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose Cali Nuur Maxamed oo Xalay lagu Wareystay Barnaamijka Xogwareysi ee KNN Muqdisho Soomaaliya ay qabato ayaa Faah-faahin ka bixiyay Weerar Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen Saddex Qof oo Labo ka mida ay yihiin Odayaal oo ka dhacay Degaanka Caawo-Cabdi ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay Dileen Saddex kamida Raggii ka tirsanaa Al-shabaab ee Degaanka Xaawo Cabdi ku dilay Odayaasha,waxaana uu xusay in Raggaas lagu Toogtay Howlgal Ciidamada Milatariga ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga