Uncategorized

Dhageyso:- Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Haweeney lagu dilay Marka

Marka–KNN– Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay Haweeney Ganacsato ah oo Gelinkii Dambe ee Shalay lagu dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay soo gaartay Dilka loo geystay Xaawo Maamow Cusmaan oo aheyd Haweeney ka Ganacsata Khudaarta islamarkaana Koox Hubeysan ay ku dishay Magaalada Marka.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ay hadda socoto Baaritaan dheer oo lagu raadinayo Ciddii Falkaas Dilka ah geysatay islamarkaana ay ku raadjoogaan Ciidamada Ammaanka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban