Somali News

DHAGEYSO:-Maamulka Isbitaalka Dayniile oo ka warbixiyay Dab qabsaday Isbitaalkaasi

Muqdisho-KNN-Isbitaalka degmada Dayniile oo ka mid ah Isbitaalka ku yaala magaalada Muqdisho ayaa Xalay waxaa qabsaday dab ka dhashay Koronto sida Idaacada Kulmiye ay u sheegeen maamulka Isbitaalka.

Dabka ayaa waxa uu qabsaday Qeybta keydka ee Daawada iyo qeybta Bukaanka Jiifka ee oo qiyaastii dhan sedsex boos oo kamid ah dhulka Isbitaalka.

In la damiyo dabkaas ayaa qaadatay waqti dheer iyadoona daminta dabkaas lagu howlanaa ilaa iyo saqdii dhexe ee Xalay.

Cabdi qadar cali bille oo madax daawada ee isbitaalka deyniile ayaa uga waramay idaacada kulmiye sida ay wax u dhaceen.

 

Dr Cumar Maxamuud Xusen Maamuladaha isbitaalka Deyniile ayaan ka wareysanay Dabkaas xalay qabsaday Isbitaalka uu maamulaha uu ka yahay.

Halkan ka dhageyso Dr.Cumar Maxamuud oo arimahaas ka hadlaya.