Somali News

DHAGEYSO:-Maamulka Jubaland iyo Saraakiisha Milateriga ee G.Gedo oo khilaaf uu soo kala dhax galay

Gedo-KNN-Maalmihii la soo dhaafay gobolka Gedo waxay laga soo sheegayay warar is diidan oo ku aadan xaalada amniga gobolkaasi.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in gobolka ay joogaan Ciidamo is diidan oo dhinac ay amar ka qaataan maamulka Jubaland halka dhinaca kalane ay yihiin Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan inta badan degmooyinka gobolkaas, kuwaas oo sanadkii 2011 ka saaray kooxda Al-shabaab gobolkaasi intiisa badan.

Maamulka Jubaland ayaa bilaabay qorsho uu ku doonayo in gobolka Gedo uu ka abuuro Ciidamo ka amar qaata maamulka Axmed Madoobe, halka Saraakiisha Ciidamada Milateriga ay arinkaas ka soo hor jeesteen kuwaas oo ku doodayo in gobolka xaqii uu ku lahaa maamulka Jubaland uu ka waayay.

Arintaas ayaa waxay keyntay in ay abuuranto Xaalad aan wanaagsaneen oo u dhaxeysa maamulka Jubaland iyo Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo ku sugan.

Dhawaan maamulka Jubaland waxay shaaciyeen in Xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan oo  Muqdisho ka baxay  in Qalab Ciidan oo ay geeyeen gobolka Gedo uu gacanta loo giliyay kooxda Al-shabaab.

Warkaas mid ka duwan waxaa soo saaray Saraakiisha Ciidamada Milateriga ee gobolkaas ku sugan, kuwaas oo beeniyay warkii ka soo baxay maamulka Jubaland.

Saraakiisha arintaas ka hadlay waxaa ka mid ah Gaashaanle Xasan Adan Biixi oo ah taliyaha Ciidamada Milateriga ee degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo oo dhawaan la gaarsiiyay qalabka Ciidan.

Gaashaanle Xasan Adan Biixi oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye waxuuna tilmaamay arimahaas oo dhan ay wadato Dowlada Kenya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Gaashaanlaha oo dhameystiran.