Somali News

DHAGEYSO:-Madaxda Hirshabelle oo dacwad laga gudbiyay.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah wasiiradii hore ee maamulka HirShabeelle ayaa warqad dacwad ah ka gudbiyay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare kadib markii ay sheegeen in ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen mudo ka badan hal sano.

Wasiiradan oo gaaraya ilaa 11 Xubnood ayaa xilka haayey mudo ku siman 14 bilood waxaa ayna qabsadeen qareen u dooda, kaasi warqad la wadaagay Maxamed Cabdi Waare.

Axmed Muuse Xuseen oo ka mid ahaa wasiiradii dacwad gudbiyay ayaa waxaa uu u waray idaacadda Kulmiye waxaa uuna sheegay in dacwad ay ka gudbiyeen madaxda maamulka Hirshabelle, taasi oo ku aadan in la lulsaday mushaarkii ay ku lahaayeen madaxda Maamulkaasi.

Halkan ka dhageyso