Uncategorized

Dhageyso:-Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo la dhaariyay

Hargeysa–KNN– Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Qudbad ka jeediyay Xaflad lagu Caleemasaaray ayaa ugu horeyn ka hadlay Xaaladda Degaanada Somaliland,waxaana uu u Mahad celiyay Musharaxiintii kula Tartamay Xilka Madaxweynaha Somaliland oo kala ahaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani iyo Guddoomiyaha Xisbiga kale ee UCID.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha  Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Xafladda lagu Caleemasaaray ay ka soo qeyb galeen Saddex ka mida Shanta Soomaaliyeed oo kala ah Jabuuti,Soomaali Galbeed iyo Somalida Kenya ee NFD,balse ay ka maqan tahay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay ,wuxuuna intaas ku daray in Daruufaha jira ay suurta gelin waayeen in ay Midoobaan Somaliya iyo Somaliland.

Intaas ka dib ayaa Goobta ay ka dhacday Xafladda Caleemasaarka lagu dhariyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo noqday Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland ay yeelato.

Xafladda Xaleemasaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland oo kala ahaa Axmed Siilaayo,Daahir Riyaale Kaahin iyo Wakiillo ka socda IGAD,Itoobiya,Kenya,Jabuuti iyo Ingiriiska.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka