Cadaado–KNN– Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Asagoo ku sugan Magaalada Cadaado Wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin Cid Xilka qaaday islamarkaana uu Warbaahinta ka maqlay Wararka sheegaya in Xilka laga qaaday.
“Aniga Caawa ayaa la ii sheegay in Xildhibaanno Dhowr iyo Toban ah ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen Madaxweynaha,Xildhibaanadii Galmudug oo dhan hadda wey ila joogaan oo Hoolka Madaxtooyada ayey Fadhiyaan,midda kale Dastuurka Galmudug wuxuu dhigayaa in Madaxweynaha aan Mooshin laga keeni karin 6 Bilood Gudahood”ayuu yire Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Labadiisii ku Xigeen ay joogaan oo Xildhibaanno Dhowr iyo Toban ah ay ku shireen Xaafad ka mida Magaalada Cadaado.
Hadalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa imaanaya Xilli Xalay Xildhibaanno ku shiray Magaalada Cadaado oo tiradooda ku sheegay 55 Mudane ay 52 kamida u Codeeyeen in Xilka laga qaado Madaxweyne Xaaf.
Xaaf ayaa Xilka Madaxweynaha Galmudug loo doortay 3-dii May,wuxuuna shaqeynayay muddo ku siman 5 Bilood,halka Madaxweynihii ka horeeyay Ee C/kariin Guuleed ay si lamida sidaan oo kale Xildhibaanadu Xilka ka tuureen Bishii Janaayo ee isla sanadkaan.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha