Uncategorized

Dhageyso:- Madaxweynaha Jubbaland oo marki u horeysay ka hadlay darbiga laga dhisayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Kismayo-KNN-Xilli darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto gaar ahaan gudaha dhulka Soomaaliya ayaa waxaa arinkaasi marki u horeysay ka hadlay Madaxweynaha maamulka Juba-land Axmed maxamed Islamaam Madoobe.

Axmed madoobe ayaa waxaa uu sheegay  in arinka ku saabsan xuduuda ay tahay mid muddo dheer soo soctay soona martay heerar kala duwan , mudadii dowladeena bur bursaneynna uu dhacay is badal ku yimid deegaanka balse la wada sugayo in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan.

Marka laga hadlayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya waa mid kamid ah hadal heynta ugu badan ee taagan mudooyinkaan dambe kadib markii si bareer ah ay dowladda Kenya darbi dhisid uga bilowday Gudaha dhulkeena taasi oo la tilmamay in labo marba tahay wax laga xumaado waa tan hore e in darbiga aysan kala tashan sida la tilmaamay dowladda Soomaaliya iyo tan labaad oo ah in gudaha dhulka Soomaaliya laga dhisayo darbiga.

Halkaan ka dhageyso Codka Axmed Madoobe.