Uncategorized

Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Dhawaaqay in Dalku galay 3-Maalin oo Baroordiiq Qaran ah

Muqdisho—KNN–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah islamarkaana Calanka Soomaaliya Hoos loo dhigay kadib markii Qarax Shacab badan ay ku Halaagsameen uu ka dhacay Shalay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxaasi. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

 

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha