Uncategorized

DHAGEYSO-:Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Maamul Gobaleedyada ka dalbaday in loo midoobo Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Madaxda Maamul Gobaleedyada Dalka in la midoobe si loo soo afjaro Colaadda ka jirta Soomaaliya wax ka badan rubac qarni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Xaalad aad u daran oo dhinaca amiga ah arintaasna kaliya looga bixi karo in la mideeyo Siyaasadda dhaqaalaha iyo aragtida Dowladnimada oo ka timaada dhamaan dhinacyada Soomaaliya si loo soo afjaro dhiigga daadanaya.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada ay si wadajir ah ugu aar gudaan boqolaalkii ku dhintay bishaan gudaheeda Magaalada Muqdisho kadib weeraradii Al-Shabaab, lagana faa’ideysto rajada iyo taageerada ay Aduunka u haayaan Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweyanaha.