Garoowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay Saldhiga ay ciidamada Soomaaliland ka furteen deegaanka Yube ee Gobolka Sanaag.
Waxaa uu Madaxweynaha in Soomaaliland ay daan daansi ka wado deegaanada maamulka Puntland, taasi oo ay ku doonayaan in ay kula wareegeen deegaano ay maamusho Puntland, Balse waxaa uu xusay in arintaasi ay ka hortagi doonaan.
Madaxweyne Deni “Reer Puntland dulqaadkii waa ka dhamaaday maamulka Hargeysa wuxuu heli doonaa wuxuu naga raadinayo”.
Halkan ka Dhageyso warka :-


