Uncategorized

DHAGEYSO:- Magaalo Guureysa oo lagu arkay degmada Jalalaqsi.

Muqdisho-KNN-Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira  magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa.

Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy  wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed.

Halkan ka dhageyso wareysiga Amiin Cali Makaraan oo la hadlay KNN