Uncategorized

DHAGEYSO:-Mas`uuliyiin maanta ka mid noqday dadka ku xayirmay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xanibay Gaadiid badan oo ku soo wajahnay magaalada Muqdisho kuwaas oo ka imaanayay dhanka iyo wadad ka timaada gobolka Sh/Dhexe.

Koontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho ee dhanka gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta lagu xayiray kumanaan Gaadiid ah oo ka yimid Sh/Dhexe.

Gaadiidka qaar kood waxaa ku jiray kuwoo ay wateyn mas`uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo laga ciliyay wadadaasi.

Xildhibaan Xasan Maxamed oo ka mid ah mas`uuliyiinta maanta lagu xayiray duleedka magaalada Muqdisho kana tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la hadlay Idaacada Kulmiye wuxuuna ugu warbixiyay waxa uu arkay iyo sida isaga loo xanibay.

Halkaan ka DHAGEYSO.