Uncategorized

DHAGEYSO-:Maxaa laga filan karaa Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada.

Muqdisho-KNN-Maalinta biri ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada Dalka, Shirka ayaa looga hadlayaa Khilaafka Dastuuriga ah ee u dhaxeeya Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada waxana Muqdisho ku soo qul qulaya hogaamiyaasha Maamul Goableedyada.

Danjire Maxamed Caalim oo fala-qeeya Arimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo tan caalamka ayaa sheegay in Shirkaan ay ka soo bixi doonto Natiijo wanaagsan markii loo eego baseylka siyaasadeed ee Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada.

Caalim ayaa sheegay in ay Labada dhinac sameyn doonaan Tanaasul hadii ay timaado qodobo la isku qabto balse ay xaalada u muuqato mid is faham ku dhamaan doonto markii loo eego dhinacyada Shirka u dhaxeeyo Baahida ay u qabaan Xasilooni siyaasadeed oo lahelo.

 

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Danjire Caalim.