Uncategorized

DHAGEYSO:-Mid ka mid ah dadka ka barakacay Beladweyne oo ka sheekeynaya waxa ay la kulmeyn markii ay barakaceyn

Beladweyn-KNN-Mid ka mid ah dadka ka barakacay fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeele ee ka barakacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuna sugan deegaanka Ceel-Jaale oo dhaca duleed magaalada oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ugu warbixiyay waxa uu la kulmay markii uu barakacay.

Dhibaatada ka taagan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa faraha ka sii baxeysa, kadib markii ay Xaafadaha magaalada buux dhaafiyeen Biyaha Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee mara Beladweyne.

Kumanaan shacab ah ayaa magaalada ka barakacay waxayna daadsan yihiin duleedka magaalada gaar ahaan dhulka Buuraha ah, dadkaas ayaa isugu jira Carruur, Dumar iyo waayeelo oo ay wali ku dhaceyso dhibacda roobka iyo qabowga oo aad looga dareemayo gobalka.

Warbaahinta gobalka ayaa soo bandhigaya muuqaalo laga naxo oo ay ku jiraan Guryo ay biyaha ka dulmareen hanti baa ba’day iyo dad dhibaataysan.

Halkan ka dhageyso Muumin Cilmi oo KNN la hadlay.