Uncategorized

DHAGEYSO-:Milatariga Soomaaliya” Jawaab cad ayaa ka bixin doonaa Sarkaalkii ay Kenya nooga dishay Ceel-waaq”

Ceel-waaq-KNN-Korneel Aadan Axmed Dufle oo kamid ah saraakiisha Ciidanka xooga dalka ee Ku sugan Gedo  ayaa Idaacada kulmiye Waxaa uu uga warbixiyay dagaal uu ku dhintay Sarkaal Soomaaliyeed oo Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya ku dhexmaray Xadduuda labada Dal ee gobalka Gedo.

Korneelka ayaa Waxaa uu sheegay In Kenya ay ku Soo duushay Dalkeyna taas oo dhalatay kadib markii Shacabka gobolka Gedo ay is hor istaageen Darbi ay Kenya ka dhiseyo dhulka Soomaaliyeed.

Korneel Aadan Axmed ayaa Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay jawaab ka bixi doonaan sarkaal kaasi laga dilay ciidanka xooga Dalka isagoo Dowaladda Somalia ka dalbaday in ay si cad uga hadlaan dhibkii dhacay.

Halkaan ka dhageyso Taliyaha oo Arimahaasi ka hadlaya.