Muqdisho-KNN-In ka badan 70% xubnaha Golaha wasiirada Soomaaliya waa xildhibaano ka tirsan Gola shacabka ee Baarlamaanka.
Waxaa jira qodob dastuuri ah oo ogolaanaya in golaha wasiirada laga keeni karo xubnaha Golaha shacabka iyo banaankaba , hase ahaatee maalmahaan Waxaa socday dood adag oo muran badan dhalisay, taasi oo ku aadan in is bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Balse Xildhibanada qaar ayaa waxaa ay soo jeediyeen in xubnaha Baarlamaanka loo ogolaan ka mid ahaanshaha Golaha wasiirada.
Muranka arintan ka dhashay ayaa Xiligan waxaa uu marayaa meeshii ugu adkeyd.
Halkan ka dhageyso Warbixinta oo Dhameystiran.


