Somali News

Muranka Maamul gobaleedyada iyo D/Dhexe muxuu ka yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland

Muqdisho-KNN-Iyadoo War-murtiyeed xiriirka loogu jaray dowlada Faderaalka ah ee soomaaliya ay soo saareen madaxda maamul-goboleedyada ee ku shirsanaa magaalada kismaayo, islamarkaasna qaar kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamul-goboleedyada ay ka soo horjeesteyn ayaa dhanka jubblanad madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkaasi Cabdulqaadir xaaji Maxamed oo lahadlay idaacada kulmiye ee magaalada waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay go’aankii kasoo baxay shirkii kismaayo ku soo dhaamaday.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in la joojiyo wada shaqeenta ay la leedahay dowlada maamul-goboleedyada ay ugu wacantahay wada shqeyn xumo dhanka dowlada ka timid sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka jubbaland

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka koowad  ee Jubbaland in la hakiyo Wada Shaqeynta dowlada dhexe iyo Maamul gobaleedyada dalka.