Somali News

DHAGEYSO:-Muxuu ka yiri Xasan Daahir Aweys Dilka Marxuum Axmed Dowlo.

Muqdisho-KNN-Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay dil dhawaan ka dhacay xaafada Towfiiq  Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, Kaasi oo loo geystay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax.

Waxaa uu Sheegay Xasan Daahir in dhibaato badan uu  arko falkaasi, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in habka loo maamulayo kiiska uu yahay mid aad u qaldan, isagoona Sheegay in muhiim ay tahay sida Sharciga la maro.

Sidoo kale Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ka hadlay Dhaqanka Qoyska gabadha iyo wiilka dhawaan is guursaday, waxaa uuna sheegay in xiligan aysan dhaqmi Karin gabadha, maadaama ay xiran tahay Gabadha Hooyadeeda, Waxaa uuna ku baaqaay in Arinta la xaliyo.

Halkan ka Dhageyso Codka