Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu maanta ugu duulay Dalka Eritrea.
Booqashadaan ayaa dad badan oo falaaqeeya Siyaasada waxay qabaan in ay daba socoto heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Eratrea ayaa waxaa la sheegaa in xiriir wanaagsan uusan ka dhexeeynin labad dal, balse Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eratrea ayaa hada abuuraya in xiriir ku saabsan dhanka iskaashiga ay yeesheen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu Noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee taga dalka Eratrea tagga tan iyo markii xuriyada qaadatay dalkaas Eratrea.