Uncategorized

Dhageyso:- Nin Ganacsade ah oo Xabad Wiifto ah ay ku dishay Xamar-weyne

Muqdisho–KNN– Nin Ganacsade ah oo lagu Magacaabo Cabdi qani  islamarkaana Degmada Xamar-weyne ku iibin jiray Biyo ayaa Gudaha Suuqa Degmada Xamar-weyne waxaa kula dhacday Xabad Wiifto ah oo aan la ogeyn Jahada laga soo riday.

Taliyaha Booliska Saldhigga Degmada Xamar-weyne Xasan Duulane oo la hadlay KNN ayaa sheegay in aan Gudaha degmada Xamar-weyne laga soo ridin Xabadda weeiftada ah ee ku dhacday marxuumka dhintay Islamarkaana aysan ogeyn halka ay ka timid.

Taliyaha ayaasheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan halka xabadaasi laga soo riday isagoo sheegay in ay Warbaahinta faah faahin ka siin doonaan markii uu soo dhamaado Baaritaankaasi.

Halkaan ka dhageyso Codka Taliyaha.