Somali News

DHAGEYSO:-Nin Walaalkiis ku dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Waaxda Xaawo Taako ee degmada Howl-wadaag Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Kulmiye In C/llaahi Cali Qaado uu xalay saqdii dhexe dilay Walaalkiis Xasan Cali Qaado oo loo yaqaano (Laari) waxa uuna falkaan ka dhacay agagaarka Xaafadda Daalo ee degmada Howl-wadaag.

Ninka Wax dilay ee C/llaahi Cali Qaado ayaa la sheegay in dhawaan uu ka yimid dalka dibadiisa waxaana dilka sababay muran la sheegay in mudooyinkii la soo dhaafay uu ka dhax-taagna Labada Wiil ee Walaalaha ah.

Guddoomiyaha ayaa KNN u sheegay in dilka uu ka dhacay Guriga Gudahiisa islamarkaana uu u adeegsaday Midi kaga dhacday Wadnaha, waxa uuna dhintay ka hor inta aanan la geynin Goob Caafimaad Xasan Cali Qaado oo loo yaqaano (Laari).

Halkaan ka dhageyso Guddoomiye Axmed Ismaaciil Maxamed