Uncategorized

DHAGEYSO:-Nin Xaaskiisa si fool ugu dilay Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Alle ha u naxariistee magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa si fool xun waxaa loogu dilay Muxubo Maxamed Guure oo ay aheyd 18 jir.

Muxubo ayaa waxaa dilay Seygeeda ama ninkii qabay oo ka tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee maamulka Jubbaland waxaana gacanta ku dhigay maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay Muxubo waxaana la sheegay inuu baaritaan ku socda Askariga dilka Fuliyay oo hada gacanta ku jiro.

Luul Maxamed Guure oo ay walaalo ahaayeen Muxubo Maxamed Guure ayaa KNN u sheegtay in ka hor inta aan la dilin Muxubo ay ninkeeda usoo diyaarisay Casho iyo gogasho una sheegay in dhawaan uu safar galayo.

Muxubo ayaa iyadoo jiifta Barxad guriga ku dhaxtaalo ama daashka Guriga ayaa waxaa rasaas la dhacay Ninkii qabay.

Halkaan ka dhagayso Wareysiga Luul Maxamed Guure.