Uncategorized

DHAGEYSO-:Norway soo celineysa in kabadan kun qof oo Soomaali ah.

Muqdisho-KNN-Dowladda Norway ayaa xabsiyada dhigtay in kabadan kun qof oo qaxooti Soomaali ah kuwaas oo sanado badan ku noolaa Dalka Norway waxaana lagu wadaa in dhawaan loo soo celiyo Soomaaliya kadib markii ay ka been sheegeyn xogtii ay siiyeen Dowladda Norway.

Xildhibaan ka mid ah Golaha deegaanka ee Dalka Norway kana mid ah Soomaalida ku nool Dalkaasi ayaa Sheegay in ay xabsiyo lagiliyay in kabadan kun qof oo Soomaali ah sidoo kale waxa uu sheegay in ay dadka ku jiraan Xabsiyada aad u dhib badan oo cariiri iyo dhibaatooyin kale lagala kulmayo.

Sidoo kale Norway ayaa dhalashada kala noqotay kumanaan kale kuwaas oo dhawaan la soo celin doono sida uu sheegay Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka mid ah Golaha deegaanka Norway.

Norway ayaa sheegtay in dadkaan ay baaraysa wax ka badan 10 sano Islamarkaana ay ka been sheegeen xogtooda gaar ahaan Gobalada Soomaaliya ay ka yimaadeyn, dhibaatada ka keentay iyo qoysaskooda.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay baartay dadkaan magaalooyinka ay la xariiraan, meelaha ay lacagta u diraan iyo tirada qoysaskooda ay markii hore ka been sheegeen waxaana inta badan xogtaan laga helay Bartooda Facebook.

Sarkaal ka tirsan Norway ayaa sheegay in sidoo kale la ogaaday Gobalada ay dadkaasi sheegteyn in ay ka yimaadeyn iyo Lahjadda looga hadlo iyo Lahjadda ay ku hadlaan oo aan is lahayn, sidoo kale waxaa baaritaan lagu sameeyay magaalooyinka ay lacagta u diraan dadka ay facebook kala hadlaan meelaha ay joogaan iyo Arimo kale.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse.