Somali News

DHAGEYSO:-Puntland oo fariin u dirtay Dowladda dhexe.

Garoowe-KNN-Cawil Sheikh Xaamud Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka puntland mar uu kula hadlay Garoowe weriyeyaasha ayaa ka dalbaday wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda soomaaliya inay ku soo wareejiyaan puntland qoondada kaga aaddan xujeyda sanadkan la siiyay soomaaliya, kuwaasi oo gaaraya tiradooda illaa iyo 11,500 oo xujey ah.

Qoondada puntland ayuu ku sheegay wasiir Cawil inaysan dooneyn in gacanta ay u gasho shirkado diyaaradeed kuwaasi oo maamula goor waliba xujeyda puntland ka baxda islaamarkaan laga qaado qarashaad aad u badan.

Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa in xujeyda ka baxda puntland ay ku dhibanyihiin gudashada acmaasha xajka kuwaa oo la geeya goobo ka fog xaramka.

Halkan ka Dhageyso warka oo dhameystiran