Garowe–KNN– Iyadoo Sabtidii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu ka dhacay Qarax Galaaftay Nolosha Dad ka badan 300 iyo Dhaawaca ku dhawaad 500 oo Ruux oo dhamaantood ahaa Shacab ayaa waxaa Puntland ay sheegtay in ay Heegan Sare gelisay Ciidamada Puntland ee jooga Magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso si ay uga hortagaan in Puntland uu ka dhaco Qarax la mida kii lagu Xasuuqay Shacabka Muqdisho.
Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada Puntland Gen Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa sheegay in Heegan la geliyay Ciidamada Puntland islamarkaana ay ka Fiijigan yihiin Weeraro Qaraxyo ah oo ay Al-shabaab la beegsadaan Degaanada Maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Warkooban