Somali News

DHAGEYSO:-Puntland oo xal ka gaartay xiritaanka Suuqa kalluunka ee Boosaaso.

Muqdisho-KNN-Faarax Cawaash Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in la xaliyay dhibaatadii ka taagneed xiritaanka suuqa Kaluunka ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dadkii halkaasi ku Ganacsanayay ay u diyaariyeen Goobo kale oo ay ku shaqeysan karaan.

Sidoo kale Wasiirka oo sii hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay  in Doomanka iyo Agabka kale ee hadda Kalluunka uu saaran yahay laga dejin doono wixii ka dambeeyana Goobo kale ee Cusub u wareegi doonaan tasina ay ku qanacsan yihiin.

Halkan ka Dhageyso