Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho lana hadlay Idaacada Kulmiye ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha U naxariistee Fanaanada Sahra Axmed Jaamac oo maalmihii dambe ku xanuun saneysay magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.
AUN Sahra ayaa ku geeriyootay Isbitaal maalmihii dambe lagu daweynayay oo ay jiiftay oo ku yaala magaalada Hargeysa.
Ehelada Marxuumada iyo dhaqaatiirta Isbitaalka lajiifiyay ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay geerida Fanaanada Sahra Axmed Jaamac.
Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa ku dhalatay gobolka Togdheer waxaanse ku soo barbaaray magaalada Hargeysa, Sahra waxay sheegtay intii ay nooleed in ay Fanka soo gashay 1969-kii xiligaas oo da`adeeda ay ku sheegtay 13 sano jiro, waxay ka mid aheed kooxda Waabari.
Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Maareeyihii hore ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed iyo Abwaan Xersi Dhuux oo ah gudoomiye ku xigeenka Golaha Abwaanada oo la hadalay KNN ayaa ka sheekeeyay waxa ay ka yaqaanaan Allaha Unaxariistee sahra Axmed Jaamac shacabka Soomaaliyeedna ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid.