Uncategorized

DHAGEYSO-:Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala Duwan uga hadlay heshiiskii ay xalay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeyn Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, Xafladaas oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa qaarkoo soo dhaweeyeen heshiiskaasi, halka qaar ka mid ahna ay dhaliilayn qaabkii loo maray heshiiska waxayna sheegeyn in aysan aheyn mid faa’iido ku soo kordhin karta Gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Si guud inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa u arko talaabo wanaagsan in la mideeyo Shacabka Gobalada dhexe oo ah gobalo ka haray Inta kale ee Soomaaliya markii loo eego khilaafka ragaadiyay dadka dega.

Halkaan ka dhageyso Codadka Shacabka Muqdisho.