Muqdisho-KNN-Cabdi Qaadir Aadan Maxamed Guddoomiyaha deegaanka Maringuwaa oo u hoostaga degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay KNN ayaa sheegay inuu ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in wax khasaaraha uusan soo gaarin isaga iyo ciidanka ilaalo u ahaa, waxaa uuna tilmaamay in qaraxa uu ka dhacay bar kontorool oo ku taala degaankaasi.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka hadlay Weerarada Dagaalamayasha Al-Shabaab ay ka fuliyaan degaanka, islamarkaana waxaa uu shaaca ka qaaday in ay ka hortagi doonaan weerarkasto oo ka yimaada Al-Shabaab.
Halkan ka dhageyso Gudoomiyaha oo u waramay Wariyaha KNN Ee Shabeelaha Hoose.