Uncategorized

DHAGEYSO:-Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuula Hoostagta Magaalada Dhuuso mareeb

Dhuuso mareeb-KNN-Wararka ka imaananaya tuiulada  Faragoy oo qiyaastii 15 kM  dhanka bari ugu began degmada dhuuso mareeb ee gobalka galgaduud ayaa sheegay in qarax miino uu halkaasi ka dhacay kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la Xaqiijiyay 1 Cunug oo yar ayaa ku dhintay,iyadoona ay ku dhaawacantahay hooyadiisa,sida ay sheegeen dadka deegaanka ee ku sugan demada dhuuso mareeb.

Miinada  Qaraxday ayaa waxa la sheegay inay daxalaysatay,iyadoona la arkay caruurta oo ku ciyaaraya miinada kadibna ay aragtay hooyada dhashay,inkastoo markii ay ka qaatay hooyada,islamarkaana ay ku qaraxday miinada.

Dhaawaca hooyada ayaa waxaa la keenay isbitaal ku yaala magaalada dhuuso mareeb ee gobalka galghaduud,iyadoona halkaasi haatan lagu baxnaaninayo xaaladeeda caafimaad.

Halkan ka dhageyso warka wariyaheena cabdullaahi warsame rooble