Muqdisho-KNN-Ismaaciil Axmed Maxamuud waa arday naafo ah kana qalin jibiyay mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho wuxuu Degriiga koobaad ka qaaday programka Banking And Finance.
Ismaaciil wuxuu ku soo bar baaray Magaalada Muqdisho uu wax ku soo bartay.
Shalay ayuu ka mid ahaa in ka badan 600 oo arday oo ka qalin jibisay Jaamacada Simad ee Muqdisho.
Ismaaciil Axmed Maxamuud oo la hadlay KNN wuxuu ka sheekeeyay duruufihii adkaa ee lasoo darsay mudadii uu ku jiray wax barashada.
Ismaaciil mudii uu wxbarashada Jaamacada ku guda jiray waxa uu Semester kasta uu gali jiri Kaalinta 1-aad ee Class-kiisa, sidoo kale waxa uu soo dhabar adeegay dhibaatooyin badan oo ka jira Muqdisho, Dagaalo dhacay, Qaraxyo uu la kulmay iyo Wadooyin xiran dhamaan musiibooyinkaas Alle ayaa ka badbaadiyay mana ahayn wax hakad ku keenay Waxbarashadiisa.
Maamulka Sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa ku abaal mariyay in uu ka mid noqdo Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD.
Halkaan Ka dhageyso wareysi uu la yeeshay wariyaheena Xuseen Cabdule Maxamed.