Uncategorized

DHAGEYSO:-Qoys Carruur badan uga dhinteen DAWO dhireed ay isticmaaleyn.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 3 Carrur  walaalo ah ayaa dhintay Aabaha dhalay iyo wiil kalane waxay ku jiraan xaalad helis ah kadib markii ay isticmaalayn Dawo dhireed ay damacsanaayeen in ay uga hortagaan Cudurka Duumada “malaariyo” kaas oo ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya.

Dadkaan ayaa ku nool xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, waxaana sadaxda qof ee dhintay isugu jiraan Labo gabdhood iyo hal wiil, sidoo kale Aabaha dhalay Carruurta iyo wiil kale oo cudurka xaafadda ahaa ayaa xaalad halis ah ku jira waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Aabaha dhalay Carruurta uu siiyay Dawo dhireed laga sameeyay Miraha iyo Caleenta Geed Talaalka kuwaas oo uu tumay, Hooyada qoyska ayaa ka maqneed Guriga markii falkaan dhacayay.

Halkaan ka dhagayso qof ka mid ah Ehelada qoyska oo Arimahaas ka hadlaya.