Somali News

Dhageyso:-Rag ka tirsan ONLF oo lagu qabtay Balanballe

Balanballe-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan, in halkaa lagu qabtay rag hubeysan oo ka tirsanaa jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato.

Taliyaha Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali ayaa la hadlay KNN waxa uuna sheegay in ragani ay deegaanka soo galeen oo maleeshiyo beeleed ay xilligan gacanta ugu jiraan.

Hoos ka dhageyso wareysiga taliyaha booliska Balanballe Cabdi Muuse Cali.