Uncategorized

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Xalay Kormeeray Saldhigyo ku yaalla Muqdisho

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirka Amniga Xukumadda Maxamed Abuukar Islow ayaa Xalay Kormeero kala duwan ku bixiyay Saldhigyo ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay degen yihiin Ciidamada Dowladda si loogu kuurgalo Shaqadda ka socota.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkay Ciidamada Ammaanka oo Dhaxanta Taagan,kuwaas oo u Adeegaya Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay in ay Shaqada ay Shacabka u hayaan ay siiwadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xalay la Tusay Rag ka tirsan Shabaab oo Qabashadooda ay Gacan ka geysteen Shacabka Soomaaliya,waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay sii wadaan la shaqeynta Ciidamada.

Halkaan Riix si aad u dhageysato Codka