Uncategorized

Dhageyso:- Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo ka hadlay Go’aankii Qalbi-dhagax

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ahna Xubin ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka hadlay Go’aankii Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in Dowladdii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa aysan Wax Heshiis ah oo Maxaabiis la isku dhaafsanayo aysan la galin Itoobiya,waxaana uu Xusay in Dadka lagu Eedeeyay in Dowladda ay heshiiska u Saxiixeen aysan Cidna wakiilan,balse Heshiiskaas uu ahaa mid lagu Heshiisiinayay Qabaa’ilaadka daga Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad Degaanka Itoobiya iyo Dadka ku nool Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran