Jariiban–KNN– Wararka naga soo gaaraya Degmada Jariiban Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Saddex Carruur ah oo wada dhashay ay ku dhinteen Degmadaasi,kuwaas oo uu soo ritay Xanuunka Jadeecada oo ka mida Lixda Cudur ee Dilaaga ah.
Mustaf C/salaan oo ah Aabaha dhalay Saddexdaas Carruurta ah ee ku dhintay Degmada Jariiban ayaa sheegay in Carruurta uu ka keenay Miyiga Degaanka Bali-busle Ee Waqooyi Bari Gobolka Mudug,waxaana uu intaas ku daray in Carruurta oo qabay Jadeeco la duray islamarkaana loo maleynayo in ay Sababsadeen Cirbadda la duray.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka