Muqdisho-KNN-Allaha U naxariistee Jeneraal Guudle Maxamed Nuur oo ahaa nin Janan ah oo in muddo ah ku soo dhax jiray howlaha ciidanka gaar ahaan waqtiyadii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa kooxda Al-shabaab waxay ku dileyn Shalay asaga iyo wiil darawal u ahaa oo la socday deegaan Doonka la yiraahdo oo ku yaala duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Jeneral Guudle ayaa 20 tan-kii sano ee la soo dhaafay la sheegay in uusan ku jirin howlaha Ciidanka iyo Siyaasadaba, wuxuuna ahaa sida la sheegay nin Nabadoon ah.
Xil uu dowlada ka qabtay waxaa ugu dambeysay sanadkii 2000 dowladii uu hogaaminayay C/qaasim salad Xasan, xiligaas oo muddo kooban uu noqday taliye Ciidan, waxaa sidoo kale jiray waqtiyo kale oo la damcay in xalal loo magacaabo waxaa mar la sheegay in loo magacaabi rabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Xooga dalka laakiin asaga uu diiday.
Al-shabaab oo sheegtay mas`uuliyada dilkaas ayaa sheegay in ay dileyn nin korneel ah oo ku xigeen u ahay taliyaha Ciidamada NISA ee degmada Afgooye, laakiin markii la hubiyay kadib la ogaaday in warkaas ay baahiyeen Al-shabaab in uusan sax aheen.
Marxuumka la dilay waxay aqoon isku la haayeen oo qaraabo dhowna ay ahaayeen Jeneraal Ibraahim Cabdi Cali oo asagana ah Jeneraal hore wuxuu wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye, wuxuuna ka sheekeeyay taariikhda marxuumka la dilay iyo wax yaabihii muddooyinkii dambe uu qabanayay.