Buula-burde-KNN-Taliyaha Ciidamada Xooga ee gobolka hiiraan Cor. Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howgal go`adoonka looga qaadayo Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, taas oo muddo afar sano ah u go`adoonsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Cor.Faarax Cali ayaa shacabka Magaalada Buula-burde ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan howgalka go`adoonka looga saaraayo Magaaladaas, isagoona dadka u soo jeediyay in ciidamada ay la garab istaagaan Hiil iyo Hooba, si hal meel looga soo wada jeysto Kooxda Al-shabaab.