Muqdisho–KNN–Koox Bastoolado wadatay ayaa Xalay Fiid kii ku dishay Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Mursal.
Sargaalkaan ayaa lagu Weeraray Meel u dhow Gurigiisa,waxaana dad Goobjoogeyaal ah ay sheegeen in Dilka ay geysteen Koox Bastooladley ah.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Degmada ay baaritaano ku hayaan Ciddii ka dambeysay Dilka sargaalka ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilka Alle ha u Naxariistee Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Mursal.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka