Uncategorized

DHAGEYSO-:Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo cadeeyay Mowqifkiisa Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhaw soo dhamaaday Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur kaas oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Abuu Masnuur ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu Al-Shabaab ka baxay 5 Sano ka hor hadana ay wadahadal u socdaan Dowladda Soomaaliya kaas oo ku saabsan sidii dalka looga hergilin lahaa Nabad iyo Xasilooni buuxda.

Shiikh Roobow ayaa markii uu wariyaasha la hadlayay waxaa dhinac yaalay Calanka Soomaaliya oo Al-Shabaabkii uu ka soo baxay dagaal kala dhaxeeya Calanka Soomaaliya iyagoo ku badashay midka Madow ay wataan Balse waxa uu sheegay in wixii maanta ka danbeeyo uu ka shaqeyn doono aayaha Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Shirka Jar’aad ee Abuu Mansuur.