Muqdisho-KNN-Taliyaha Qeybta 43aad ee Milatariga Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud ayaa wajahaya Culees xoog leh oo kaga imaanaya Maamulka Jubbaland kadib markii dhawaan laga celiyay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in si aan wanaagsaneen loola dhaqmay Taliyaha markii uu gaaray Magaalada Kismaayo, sidoo kale deegaanada Gobalka Gedo ayaa laga abuuray xaalad amni intii uu ku guda jiray booqashadiisa.
Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah Waxgaradka Jubbooyinka sidoo kalane ka tirsan Milatarigii hore ee Soomaaliya ayaa KNN uga warbixiyay Caqabadaha hor-yaala General Bogmadow ee loo magacaabay Deegaanada Jubabland.