Somali News

Dhageyso: Soomaali ka baxsatay xabsiyada dalka liibiya oo ku dhibaateysan wadankaasi

Muqdisho-KNN-Xilli maalmo dhaw uu  dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu  ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, waxaana la sheegay in uu u dhaxeeyay laba jabhadood.

 Dagaalkan ayaa intuu uu socday wuxuu sababay inay xabsiga ka baxsadaan Soomaali badan oo ku xirneyd xabsiyada dalka Liibiya, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo heystay.

Masuuliyiin ka tirsan dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegeen in ay baxsadeen Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku jirtay xabsiyada kala ah Tariqu Mataar iyo Salahu Diini, kuwaasi oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin.

Safiirka dowladda Soomaaliya ufadhiya dalka liibiya Muxuddiin Maxamed Kaalmooy oo KNN ayaa waxa uu ka warbixiyay maxaabista soomliyeed ee kasoo baxsatay xabsiyada dalka liibiya iyo wax yabaha aay uqabatay safaarada soomliyaee dalka libiya

Halkan Ka dhageyso Hadalka safiirka soomaaliya u fadhiya dalka liibiya oo u waramay KNN.