Uncategorized

DHAGEYSO:-Tahriibiyaal Soomaaliyeed oo ku xeran Liibiya oo diiday in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Liibiya waxaa ku dhibaataysan kumaanaan dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo doonaya in ay usii tahriibaan Wadamada Yurub, dhalinyaradaas oo hamigooda wali u suurta galin ayaa wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolasha ah, lacag badan ayaa ka baxday waxaana kadib xal u raadinta arintaas u istaagay Dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed eek u xeran Liibiya ayaa waxaa la kulmay wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya kuwaas oo wada ku aadan abaabul wijiga 2aad ee soo celinta Tahriibiyaasha Soomaaliyeed eek u dhibaateysan Liibiya, laakiin qaar ka mid ah dhalinyardaas oo lala kulmay ayaa diiday in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya maadaama aan suurta gal ahayn in loo sii wado dhanka iyo Qaarada Yurub oo hamigooda uu yahay in mar un ay tagaan.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Caalim Muuse Caalim oo ka mid ah dadka ku xiran Liibiya ayaa warbaahinta la hadlay oo sheegay in asyan diyaar u ahayn in Soomaaliya lagu soo celiyo.

Halkaan ka dhageyso.