Uncategorized

DHAGEYSO:-Taliska Booliiska Sh/Hoose oo ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Afgooye.

Afgooye-KNN-Taliyaha Qaybta Booliiska Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheerre oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in ay ka hortagayn Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye ee gobalkaasi Sh/Hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in ay istaajiyeen Gaariga oo ahaa Homey waxa uuna isku qarxiyay Koolba Waardiyaha ama difaaca hore Iskuul ay daganaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya  oo ku yaala nawaaxiga Buundada Afgooye,waxa uuna sheegay in ay ku dhaawacmayn Askar ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Xarunta maanta la wareeray ayaa sanad ka hor sidaan oo kale waxaa weerar ka geestay Dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxayna weerarkaas u adeegsadayn Gaari Homey sidaan oo kale.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qayba ka mid ah degmada ay Shabaab ka dhax dagaalamayn muddo kooban kadibna ay ka baxayn degmadaasi.

Xaalada degmada ayaa hadda degan waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay radayaan Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Dhanka kale waraka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in wadada loogalay Askar la socotay Askartii dhaawaca aheed kuwaas oo loosoo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, wararka qaar ayaa tilmaamaya in ciidamada ay la kulmeen Qaraxyo, iyo weerar toos ah sida ay ku soo waramaan wararka ka imaanaayo agagaarka deegaanka Siinka-dheer ee duleed Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha.