Uncategorized

Dhageyso:- Taliska Booliska Galmudug oo ka hadlay Falalka Amni daro ee ka dhaca Galmudug

Gaalkacyo–KNN– Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Howlgallo ay ka fuliyeen Magaalooyinka Galmudug ay ku soo qab qabteen Tiro Dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa Falalka Ammaan daro ee ka dhacay Degaanada Maamulkaasi.

Taliye Kuxigeenka Booliska Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Galmudug ay sii wadi doonaan Howlgalada lagu xoojinayo Ammaanka Galmudug.

Wadada isku xirta Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay,kuwaas oo dhibaateeya Dadka ku Safrayo Wadadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka