Uncategorized

DHAGEYSO-:Taliska Booliska Sh/Hoose oo faah faahin ka bixiyay qorshaha uga dagsan goobaha laga qabsaday Shabaab.

Afgooye-KNN-Gaashaanle Sare Cabdi Ibraahim Shaamow “Cabdi dheere”  oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sh/Hoose ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye  waxa uu faah faahin ka bixiyay qorshaha Booliska uga degsan goobihii laga qabsaday Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay qabsadeen Bariire, Mubaarak iyo deegaano iyo Tuulooyin Hoos yimaada Awdhiigle ee gobalka Shabeelaha Hoose goobahaasna la geyn doono Ciidan Booliska ah oo ilaaliya amaanka deegaanada laga qabsaday Al-Shabaab.

Dhinaca Kale Taliyaha ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaankaasi iyo qasaaraha ka dhashay isagoo Shabaab ku eedeeyay in ay Qarax Miino u dhigeen Shacab saarnaa Gaari dameer oo ka barakacayay Colaadda Gobalka.

 

Hoos ka dhageyso G/Sare Cabdi Ibraahim Shaamow C.dheere Taliyaha Booliska G Sh Hoose.