Cadaado-KNN-Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa Sheegay in ay Ku guulaysteen in ay joojiyaan Dagaal Beeleedyo oo muddooyinkii dambe ka taagnay deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.
Taliyaha Guutada 13-aad, qeyb 20-aad ee Ciidanka Xooga Gaashaanle dhexe Nuur Xersi Wardheere oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhax dhigeyn laba maleeshiyo beeleedyo oo ku dagaalamay inta u dhaxeysa deegaanada Qalanqale iyo Xeraale oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.
Gaashaanle dhexe Nuur Xersi wuxuu tilmaamay in joojinta dagaal Beeleedyadaasi ay ka gacansiiyeen dadka deegaano iyo odoyaasha dhanka ee deegaankaasi.
Halkan ka dhageyso Taliyaha oo arimahaasi ka hadlaya.