Uncategorized

DHAGEYSO:-Taliska Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Sh/Hoose.

Afgooye-KNN-Amaan-duulaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen qayba ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Caanood ayaa sheegay in ay shalay dagaalkii dhacay kula wareegeyn deegaano, Gaadiid dagaal iyo Saanad ciidan, sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay qarxiyeen Qaraxyo Gawaari ku rarnaa oo loo soo waday Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka dhageyso Taliye Caanood.

Inkastoo Taliska milatariga sheegeyn in ay guulo gaarayn ayaa wararka madaxbanaan waxay sheegayaan in ay shabaab lagala wareegay oo kaliya deegaanadii ay ku sugnaayeen gelinkii dambe ee shalayna ay Ciidamada dib usoo laabtayn.