Uncategorized

DHAGEYSO:-Taliya Ciidamada Asluubta Oo Kawar Bixiyay Dib u habeen Lagu Sameeyay Xarunta Taliska Asluubta.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu weyn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah burbursanayd.

Xaruntan oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay ahayd mid muddo dheer bur bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Xarunta Waxaa xariga ka jaray wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji oo kala qeyb galay saraakiisha Ciidamada Asluubta oo ugu horreeyo Taliya Ciidamad Asluubta Soomaaliyeed, saraakiil kale oo lagu casuumay iyo xubno kale.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan.180110_001